TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo dagaal ku dhawaaqay

0

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay sii xoogeysanayeen Weerarada Xarakada  al-shabaab ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa arintaas waxaa ka hadlay dowlada Federaalka Soomaaliya .

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan qaadeyso dagaal balaaran oo ka dhan ah ururka al-shabaab .

Wuxuu sheegay in dagaalka ay kala kaashan doonaan AMISOM dhinacyada taageera dowlada Soomaaliya iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ,oo uu sheegay in mudooyinkii dalbe dhibaatooyin badan ay kala kulmayeen al-shabaab.

Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa in dhalinyarada ku jirta al-shabaab ay isku soo dhibaan dowlada federalka Soomaaliya , waxaana uu sheegay wali fursadaas ay tahay mid furan loona baahan yahay in dhalinyarada shabaab ku jirta ay ka faa’iideystaan.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha duulaankaan ka dhanka ah al-shabaab uu yahay mid ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan dagaalka ay kula jiraan al-shabaab isla markaana lagu nabadeeyo Soomaaliya guud ahaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO