TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo Fariin culus u diray Xildhibaanada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in aysan is hortaagin Ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha Soomaaliya in uu taageeray Wasiirada cusub oo uu sheegay in ay yihiin Aqoonyahano waxbadan ka badalikara xaaladda Soomaaliya.

Dalka ayuu sheegay in xilligaan uu jiro xaalad adag oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale Abaaraha.

Madaxweynaha ayaa si weyn uga codsaday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay Ansixiyaan Wasiirada cusub.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 105 mudane ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Wasiirada cusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO