TOP DHAGEYSO:- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo War lama Filaan ah ka soo saaray Wasiirada cusub

0

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa si weyn utaageeray xukumadda cusub ee RW Xasan Cali Kheyre waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo ansixiyo.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Hawiye, Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ay tahay in la siiyo fursad, uuna ka xun yahay in xildhibaanada qaar ay wadaan olole lagu diidayo wasiirada.

Nabadoonka ayaa sheegay in Soomaalidu ay daashay, isla markaana aan awood loo laheyn in qabiil walba la qanciyo, sidaa darteed uu ka digayo in xildhibaanada ay diidaan golaha wasiirada cusub.

Afhayeenka ayaa dhanka kale sheegay in hadii la ansixin waayo golaha wasiirada ay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo isqab qabsi dhanka siyaasada ah.

Taageerada dhaqanka Hawiye ee golaha Wasiirada ayaa kusoo aadeysa xili warar soo baxaya ay sheegayaan in xukumada cusub ay adag tahay iney ka gudubto barlamaanka marka la horgeeyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO