TOP DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoonka Baarlamaanka oo war cusub ku dhawaaqay

0

Iyadoo lagu wadaa in 10 bisha soo socota Magaalada Cadaado lagu qabto doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Mas’uuliyiinta maamulkaasi waxa ay sheegayaan in ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada.

Gudoomiyaha Baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in loo diyaargaroobaayo doorashada , islamarkaana ay ku dhici doonto Waqtigii loogu tala galay.

Cali Gacal Casir ugu dambeyntii Tilmaamay in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ay isku raacsan yihiin doorashada.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya Doorashada Madaxweyne Cusub ka dib markii Sababo Cafimaad uu isku casilay Madaxweynihii maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

HALKAAN KA DHAGEYSO