TOP NEWS:- Dawladdaha Deriska Oo Laga Dareemayo Cabsida Ay Ka Qabaan Madaxweyne Farmaajo.

0

Dowladaha deriska gaar ahaan kuwa Kenya iyo Itoobiya ayaa aad looga dareemay cabsida daran ee ka haysata dhanka madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dowladahan oo dareemay in markan Soomaaliya ay u dhalatay dowlad awood leh, ka go’aan adag kuwii hore ayaa markaan doonaya iney sameeyaan wax walbo oo ay kusoo jiidan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Xog ay heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegaysa in dowladahan qaarkood ay balanqaadyo an looga baran u sameynayaan dowladda Farmaajo.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan heshiiskii ay la gashay mudane Farmaajo waxa uu ka dhignaa inuu yahay mid ay isaga u raali gelinayaan, kana baqayaan in xiriirka loo xumeeyo.

Itoobiya ayaa iyana dooneysa iney la kulanto Farmaajo, una sheegto in wax walbo u qaban doonaan, Soomaaliya ay ka sifeyn doonaan Al-shabaab muddo kooban gudaheeda.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media