TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Uganda Museveni.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa waxaa ay sheegayan in halkaa ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Somalia iyo Uganda.

Kulanka ayaa ahaa Mid gaar ah waxaana uu dhaxmaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dhigiisa Wadanka Uganda Yoweri Museveni.

Waxaana kulanka lagu soo haddal qaaday Arrimo badan oo dhinacyada amniga iyo sidii loo wanaajin lahaa Xirirka ka dhaxeeyay Wadamada Somalia iyo Uganda.

Farmaajo ayaa kaga mahad celiyey dhigiisa Uganda sida naf hurnimada leh oo ciidankiisa uga qeyb qaataan Nabad soo celinta Soomaaliya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media