TOP NEWS:- Maxaa ka imaan kara Hadii Ciidamda Itoobiya ay ka baxaan Magaalo 25-askari oo Soomaali ah joogto

0

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Maxamed ayaa walaac ka muujiyay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia qeybo ka mid ah Bariga Gobolkaasi Galgaduud oo ay ka mid tahay degmada Ceelbuur.

Mr Cabdi Xasan Maxamed Guddoomiyaha Maamulka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa walaac ka muujiyay dadkii ku hoos noolaa Ethiopian-ka waxa ay kala kulmi karaan Al Shabaab haddii Ciidamadaasi faarujiyaan deegaanada Dadkaasi ay ku nool yihiin.

“ Magaalada 25 Askari oo Soomaaliyeed kaliya ayaa ku sugan , maxay ka tari karaan Amnigeeda iyo Difaaceeda intaba” ayuu yiri Guddoomiyaha Maamulka Degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed.

Ciidamada Ethiopia ayaa maalmihii dambe billaabay in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah Bariga Gobolka Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Ceelbuur.