TOP NEWS:- R/wasaare Kheyre Oo Ku Guuleystay Inuu Kala Furfuro Xildhibaanadii Diidaan Golaha Wasiirada Cusub…

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kulan goor dhow kusoo gabagaboobay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, islamarkaana albaabada u xirnaa ayaa waxaa wada yeeshay xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray arrimo ku aadan wasiirada cusub.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Kheyre uu ku guuleystay inuu qanciyo qaar kamid ah wasiiradan, waxaana xogta ay sheegeysaa in 20 kamid ahaa xildhibaannadii wax diidanaa hadda ay qanacsan yihiin.

Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa u balanqaadey Kheyre iney codka kalsoonida ah siin doonaa wasiiradan, islamarkaana sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan sidii loo aqbali lahaa xubnahan.

 
Isku soo wada duuboo R/wasaare Kheyre ayaa kahor inta aan lageyn wasiiradiisa xarunra golaha shacabka waxa uu wadaa dedaal uu ku doonayo inuu ku kasbado kalsoonida xildhibaannada mucaaradsan xukuumaddiisa.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media