WAR DEG DEG AH DHAGEYSO:- Shariif Xasan "Xildhibaanada Baarlamaanka Waxaan Ugu Baaqayaa In Xukuumada Cusub Ay Ansixiyaan".

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in deg deg loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo xildhibaano badan ay kasoo horjeesteen.

Shariif Xasan ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulan dadweyne oo dadweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay kula xisaabtamayeen dowladda, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jirtoabaar xooggan oo dad iyo duunyaba laysay, loona baahan yahay dowlad wax ka qabata, sidaa darteedna aysan macquul ahayn in iminka la mucaarado dowladda cusub.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HOOS KA DHAGEYSO