WAR DEG DEG AH:- Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

0

Qarax Gaari ayaa goor dhow waxa uu k dhacay Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray Gaari Camera ah oo uu lahaa C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya marka hore in C/shakuur uu Gaariga fuulay, kadibna uu ka shakiyay, sidaasina uu uga degay, kadibna Gaarigii halkaasi uu ku Qarxay.

Ciidanka ammaanka Degmada Waaberi ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISAayaa sheegay Qaraxan in uusan geysan khasaare, balse kaliya uu bur bur soo gaaray Gaariga, jawigana hada uu yahay mid caadi ah.