WAR DEG DEG AH:- Qaraxii Labaad oo hada ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley gaar ahaan agagaarka Ajabka ee xaafada Dabakaayo Madow ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Gaari, oo ahaa midkii labaad ee isla maanta ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Degaanada Hirshabeelle, inkastoo uu ka badbaaday.

Gaarigii Qarxay oo aan sidaas u burburin iyo Ninkii loogu xiray ayaa Ciidanka ammaanka ee Degmada Dharkeynley waxa ay ula dhaqaaqeen Saldhiga Galbeed ee Degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Dharkeynley ayaa sheegay in Qaraxan uusan geysan khasaare, sidoo kalena ay wadaan baaritaano la xiriira Qaraxan.

Goor sii horeysay oo maanta ah ayaa Qarax kale waxa uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo Gaarigiisa loogu xiray C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda, wuuna ka badbaaday.