WAR DEG DEG:- Gaari Bl-ah oo ku rogmaday Magaalada Muqdisho iyo Dad badan oo……

0

Shilkaan ayaa yimid kadib markii Gaari Nuuca Homey-da ah uu ku rogmaday Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Inkabadan 10 qof ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen Shilkaasi sida Goob Joogayaal Shabelle u xaqiijiyeen.

Qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa la soo warinayaa in Xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato.

Shilka Saaka ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ayaa la sheegay in uu sababay Gaariga Homey-da ah oo si xowli ah u socday.

Waxaana taasi ay sababtay in Darawalkii Gaarigaasi kaxeynayay uu  xakameyn waayo Gaariga Rogmaday.