WAR DEG DEG:- Nin Xiran Xijaabka ay Dumarku qaataan iyo Indha-shareer oo lagu qabtay Gaalkacyo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goor dhow ay Ciidamada Puntland Waqooyiga Gaalkacyo ku qabteen Nin soo xirtay Dharka Dumarka.

Ninkaan oo lagu qabtay Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu Xirnaa Xijaab iyo Indha-shareer.

Ciidamada ayaa hadda Baaritaan ku haya,waxaana la dhigay Ninka la qabtay Xabsiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo.