Warxsaxaafadeed+ Sawirro:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo Gaaray Heshiisyo Muhiim u ah Xiriirka Labada Dal.

0

Nairobi, Kenya (23ka Maarso, 2017)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa maanta ku kulmay Aqalka Madaxtooyada Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo ku saabsan xiriirka labada dal oo ay ku jiraan socdaalka, iskaashiga, ganacsiga, ammaanka iyo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Kulanka labada madaxweyne waxaa dhinac socday shirar ay yeesheen Wasiirrada labada dal. Kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadan ayay labada madaxweyne qabteen shir jaraa’id oo ay ku qabteen madaxtooyada ku faahfaahiyeen qodobbadii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa yiri “Waxaan ku amarnay mas’uuliyiinta ammaanka ee labada dal in ay si dhaqso ah u kulmaan, ayna ka heshiiyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa duullimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Muqdisho iyo Nairobi, waana in duullimaadka ugu horreeya uu ku bilowdaa labo toddobaad gudohood. Waxa kale oo aan ku heshiinnay in dadka sita baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqaalaha dowladda ee labada dal aan looga baahan doonin in ay soo dalbadaan dal-ku-gal.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee dowladda iyo shacabka Kenya ay usoo dhaweeyeen. Waxa uu intaas raaciyay in ay Kenya tahay mid kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya leedahay.

“Iskaashiga labadeenna dal waxa uu lagama maarmaan u yahay in aan ka guul gaarno caqabadaha na haysta oo ay ka mid tahay argagixisada iyo saboolnimada. Booqashadan waxa ay qeyb ka tahay sii joogtaynta iskaashi dhow oo labadeenna dal ay ka yeeshaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ganacsiga. Iskaashi dhow oo dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya iyo Kenya ma wanaajinayo oo kaliya nolosha malaayiinta dadkeenna ah, ee sidoo kale waxa uu wax ka tarayaa xaaladda ammaanka ee Bariga Afrika.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Qodobbada lagu heshiiyay ee kale waxaa kamid ah in dib loo howlgeliyo marrinada la isaga gudbo ee labada dal si ay u fududaato isu-socodka dadka iyo badeecadaha isaga gudbaya labada dal.

Qodobada Heshiiska

1. In 2 toddobaad gudohood lagu soo afjaro hakadkii amni (security transit) ee Wajeer ay kusoo mari jireen duullimaadyada ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.

2. In muddo bil gudaheed ah laba bar ama marin soohdimeed laga sameeyo Beled-Xaawo/Mandheera iyo Dhoobleey/Libooy, halkaasna ay isaga gooshaan dadka iyo dunyada. Waxaana halkaas ku baxaya darbigii la sheegi jiray, waxaana si xowli ah isugu furmaya ganacsiga.

3. In laga billaabo maanta dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (service) ay dal-ku-galkooda (visa) ka qaadan doonaan gegiyada dayuurdaha labada dal.

4. In arrimaha qaxootiga looga shaqeeyo hannaankii saddex geesoodka ahaa ee ay hore ugu heshiiyeen Kenya iyo Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

5. In Kenya ay 200 oo macallin, 200 oo kalkaaliso caafimaad iyo 100 maamulayaal sare oo dowladeed ay si bilaash ah ugu tababareyso Soomaaliya.

6. In dib loo soo nooleeyo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) halkaasna ay labada dowladood uga shaqeeyaan dhammaan howlaha ka dhaxeeya.

DHAMMAAD

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: abdinur@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so