XOG CULUS:- Maxaa kasoo baxay kulamadii uu Kheyre la qaatay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya?

0

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kullamo gaargaar ah oo uu la qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada BFS.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada ku shirinaaya Hooyga uu Villa Somalia ka degan yahay, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dalbanaayo inay meelmariyaan Wasiirada cusub ee uu magacaabay.

Kheyre ayaa ilaa iyo hadda la kulmay Xildhibaano kor u dhaafaya 70 kuwaa oo la xaqiijiyay inay kalsooni u muujiyeen isla markaana ballanqaaday inay meelmarin doonaan Wasiirada.

Waxa uu ka dalbaday inay kasbadaan saaxiibada kula jira Baarlamaanka, waxa uuna xaqiijiyay inaanu jirin waddo ka munaasabsan qaabka loo magacaabay Golaha Wasiirada.

Wuxuu u cadeeyay in inta badan beelaha Soomaaliyeed ay aad usoo dhaweeyen isla markaana ku qanceen Wasaaradaha ay heleen, balse mushkiladu ay tahay mid ay ka taagan tahay dhanka Xildhibaano dhowr ah oo aan nasiib u yeelan inay helaan kuraas.

 

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa aad uga soo horjeeda Golaha Wasiirada ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaaraha waxa ayna ku doodayaan inaan Wasiirada lagu dooran Aqoon iyo karti.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Gudoonka Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada.