XOG DEG DEG AH:- Wasiiro cusub oo lagu soo kordhin doono Xukuumada Ra'iisul wasaare Kheyre

0

Xog hoose ayaa waxay ay sheegeysaa in la qancin doono Xildhibaanada iyo Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ee dhaliilsan Xukuumadda Cusub.

Habka loo qancinayo Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la kordhinayo tirada Golaha wasiirada ee xukuumadda R/wasaare Kheyre.

Lama oga tirada lagu kordhinayo balse warar ayaa sheegay in la qanciyo Xildhibaanada iyo beelaha ay ka soo jeedaan oo Saluug uu kaga jiro habka wasiirada loo soo xulay.

R/wasaare kheyre ayaa dhawaan soo magacaabay 26 Wasiir iyo ku xigeenadooda waxaa sidoo kale uu soo magacaabay 15 Wasiiru Dowle inkastoo dhaliil ay ka keeneen xildhibaano badan.