XOG:- Wararkii Ugu Dambeeyay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Xukuumada Cusub Ee R/wasaare Kheyre.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan olole ka dhan ah Xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo Xildhibaanadan ay maalmihii u dambeeyay isku uruursanayeen Xarunta Villa Hargeysa oo ah Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Guddoonka Baarlamaanka ay geed fadhi u yihiin ololahan socda oo qorshihiisa yahay in lagu hor-istaago Xukuumadda cusub in aan la horkeenin Baarlamaanka, inta laga saxo qaladaad ay Xildhibaanadu sheegeen inuu ka jiro habka awood qeybsiga.

Xildhibaano fara badan ayaa maalintii shalay saxiixay qaraar ka dhan ah Xukuumadda cusub, iyagoo ku doodaya in la baal maray habka awood qeybsiga, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha aanu mudnaanta siinin sida beelaha u qeybsanayaan Wasiirada ugu muhiimsan.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada saxiixay qaraarka ka dhanka ah Xukuumadda ay gaareen illaa boqol Xildhibaan inkabadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa C/wali Ibraahim Muudey ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ololaha, iyagoo ka soo horjeeda qaabka Ra’iisul Wasaaraha u soo dhisay Xukuumadda.

Dhinaca kale Mr Jawaari ayaa horay u doonayay in shaqsiyaad uu watay lagu soo daro Xukuumadda, halka Guddoomiye kuxigeenkiisana uu shaqsiyaadkii uu watay uu ka dhex waayay Xukuumadda, sidaas darteed waa adkaan doontaa in Xukuumadda ay codka kalsoonida hesho, maadaama Guddoonkii Baarlamaanka ay ka soo hor-jeedaan.

Isku soo wada duuboo Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ayaa shalay xarunta Villa Hargeysa kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo kala hadlay arrimaha ansixinta Xukuumadda, waxaana kulankan uu ahaa mid uu albaabada u xirnaa.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media