XOG XASAASI AH:- Ololihii wasiirada kalsoonida loogu raadinayey oo waji kale yeeshay iyo Kheyre oo arrin cusub keenay

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo olole weyn oo codka kalsoonida loogu raadinayo golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay qaab cusub oo uu wasiiradiisa codka kalsoonida ugu raadinayey isagoo farriin adag u diray dhammaan wasiiradii lasoo magcaabay, wuxuuna u sheegay qaab cusub oo la sameenayo.

Kheyre ayaa wasiirada u sheegay inay ka shaqeeyaan shaqsi shaqsi inay codka kalsoonida uga raadsanaa baarlamaanka Soomaaliya, wuxuna tusaale u soo qaatay markii la magacaabay inuu dadaal adag u galay sidii uu codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka taasoo keentay inuu helo dhammaan codadka Xildhibaanadii soo xaadiray kulankaas lagu ansixinayey Magacaabistii Kheyre.

Kheyre ayaa kula dardaarmay wasiirada cusub inay dhexda u xirtaan sidii aan loogu fashilmi laheyn baarlamaanka hortooda si looga hortago in wasiiradaan la laalo midaas oo keeni karto in wasiirada qaar ay meesha ka baxaan ama dhammaantood.

Wasiirada ayaa ballan qaaday inay dadaalkooda ugu dambeeyo ku bixin doonaan sidii uu mid kasta u keeni lahaa xildhibaano badan si ay u helaan codad badan maadaama ay jiraan mucaarad badan oo ku kacsan.

 

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo qorshooyin badan oo looga soo horjeedo wasiirada cusub lamana qiyaasi karo sida farrintaan cusub ee uu Kheyre u diray wasiirada wax uga badali karto mucaaradkaan xoogga badan ee laga dareemayo Hoteelada Muqdisho.

Haddii uu Kheyre ku fashilmo cod u helida wasiiradiisa cusub, waxay midaas keeni doontaa inuu Kheyre mar kale soo magacaabo wasiiro cusub waxaana markaas la filayaa inay meesha ka baxaan dhammaan Xildhibaanada kasoo muuqday wasiirada, iyadoo la ogyahay in mucaaradka ugu badan ee Kheyre heysto ay sabab u tahay Xildhibaanada uu wasiirada kusoo daray maadaama ay kaceyn Xildhibaanadii meesha iska waayey iyagoo door bidayo in meesha laga wada baxo maadaama aysan macquul aheyn in meesha laga soo wada muuqdo.