AMISOM oo sheegtay in dhawaan Al-Shabaab laga saari doono wadooyinka ay go’doomiyeen ee Gobolka Hiiraan

0

Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Sector 4 Maxamed celmi Habane ayaa maanta warbaahinta usheegay in ay wadaan qorshe dhawaan Al-shabaab looga saarayo Magaalooyinka ay go’doomiyeen ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee AMISOM qeybtooda Ku Sugan Gobalka Hiiraan ayaa Balan qaaday in aysan sii xernaan doonin wadooyinka soo gala buula-barde iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa wax ka badan 3 sano xaalad go’doon ah giliyay magaalooyin badan oo ku yaaala Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Degmooyin ka tirsan Gobalka Hiiraan waxaana dhibaato badan uu ka soo gaaray dadkii ku noolaa degmooyinka go’doonsan ee Gobalada Soomaaliya.