Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..

0

Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan Degmadda Afgooye, ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi ka da’ay Roob mahiigaan ah oo ay ku doogsadeen dadka iyo duunyada, wuxuuna Roobku biyo dhigay Harrooyinka Deegaankaasi.

Dhinaca kale, Wiil dhallinyaro ayaa waxa uu shalay galab abaarihii 04:30 daqiiqo waxa ku geeriyooday Tuulladda Cumar Beere, kadib, markii ay ku habsatay Biriq ku soo dhacday Deegaankaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelladda Marxuumkaasi waxay magaciisa ku sheegeen C/qaadir Xasan Isaaq oo 13-jir ahaa, kaasi oo ay biriqda ku dhacday xilli uu ka soo laabanayey Beer ku taalla bannaanka Tuuladaasi.

Waxaa la sheegay inuu jirkiisa go’go’ay, waxayna Biriqda bohol weyn ka qoday halka ay ku dhacday.