Ciidamada Dowladda oo dagaal Xoogan ku qaaday Al-Shabaab iyo Khasaaro ka dhashay

0

Dagaal aad u culus ayaa xalay waxaa uu dhaxmaray Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Milateriga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ee degmada Jalalaqsi ayaa weeraray Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin inta u dhexeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde ee gobolka Hiiraan .

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu xalay dhacay isla markaana ay qaadeen ciidamada dowlada laguna doonayay in Alshabaab looga saaro inta u dhexeysa Degmooyinka Buul Burde iyo Jalalqsi.

Waxaa hadda degan goobihii xalay lagu dagaalamay Ciidamada Dowlada Federaalka ee weerarka qaaday ayaa dib ugu soo laabtay goobihiimarkii hore ay ka weerar tageen.