CIIDANKII XOOGA SOOMAALIYEED OO WACAD KU MARAY SIIFAYNTA CADAWGA GUDAHA KIDIB HELI TANKA HOGAAMIYE GEESI AH FARMAAJO.

0

Dalkeenu waxa uu ahaa 1960-1990 mid ka difaacan labada cadaw ee dal dumiya oo ah kan gudaha ugu horayn iyo kan labaad oo ah dibada iyo shisheeye mid ka yimaada.Waxaa arintaa suura galiyay qaybaha kala duwan ee ciidanka dalka soomaaliya lahaa oo difaacayay bariga,bada,iyo cirkaba taasoo gaadhka laga hayay in ay carqaladeeyaan oo nabada u diidaan cadawga gudaha iyo kadibaduba. diinta iyo dadka iyo dalka waxaa difaacayay ciidanka xooga qaranka soomaaliyeed.shacabka soomaaliyeed waxa uu ahaa mid leh sharaf iyo haybad aduunka korkiisa,waxa uu ahaa mid haystay oo ku jiifay amaan gudaha iyo dibadaba ah.

Dal aan xoog ciidan lahayn dal iyo dawlad jirta lama orankaro.sidaa daraadeed dalkeenu waxa uunoqday meel aan lakala lahayn kadib 1991 markii uu burburay oo lagu kala dareeray ciidankii xooga soomaaliyeed.Kol hadii ciidankii baa ba ay hubkii waxa uu gacanta ugalay shacabkii soomaaliyeed ee wax magaratada ahaa,caruur iyo ciroole,oo markaa isku xasuuqay ilaa wiilku dilo aabihii iyo hooyadii.waxaa abuurmay kooxo maafiyo ah oo lawareegay ganaacsigii dalka iyagoo la shaqaysta oo dilaal u ah shirkado shisheeye oo ka faa iidaysta dalalka sidan oo kale isu dhex yaaca.inayr mooye inta badan ganaacsiga soomaaliya waxaa leh shirkado iyo ganaacsado ajinabi ah soomaaliduna waa wakiil iyo dilaal la isticmaalayo.

Cadawga guduhu dadka waxa uu ku haystaa kuna kiciyaa arimo qabiil maadaama dadka soomaaliyeed u jilic san yihiin caadifada qabiil.Tani waxay keentay in shacabkii masaakiinta ahaa la isticmaalo oo la gaarsiiyay heer dawladnimada ay ka fiigaan kana cabsadaan.dalka waxa ka jira qabiilooyin abaabulan oo diidan in waligeedba aysan dhalan dawlad shaqaysa kuwaas oo inta badan ku nool gaar ahaan caasimada.waxaan wada aragnaa in shalay ay diidanaayeen madaxwaynayaal qabiilkooda ah sida cali mahadi,cabdi qaasim,shariif,hasan sheekh oo intuba ku guul daraystay in caasimada ay nabadeeyaan.Tan macnaheedu waxa weeye shacabka mogdisho dawlad marabaan madax wayne beeshooda ah iyo mid aan ahaynba. Sababtuna waxaa weeye dad danaystayaal ah oo ka faa iidaystay kicinta iyo abaabulka hab qabiil masaakiinta lagu kuciyo si ay danahooda guracan u helaan.

Waxan oo dhan waxaa keenay maqnaan shihii ciidankii xooga soomaaliyeed oo aan dib loo dhisin wali.shacabku waxa uu u baahan yahay in laga difaaco cadawga gudaha iyo kan dibada. marka laga hadlayo gobolada dalka intooda badan waa nabad laakiin dawlad ma ahaystaan dhab ah oo dalkoo dhan katalisa,dal caasimadadiisii aan dawladu gacanta ku hayn amaankeeda sheegid malaha gobol.dawladu halkay fadhido nabad maha.waxaana waxaa keenaya maqnaanshaha ciidankii xooga soomaaliyeed.

Hadaba maanta soomaaliya waxaa u kacay hogaamiye daacad ah oo boodhka ka jafay ciidankii xooga soomaaliyeed dibna u dhisay. madaxwayne farmaajo waa hogaamiyaha ciidanka xooga soomaaliyeed,waana geesi ku soo dabaalaya dalka caasimadiisa amaan iyo kala danbayn kana sifaynaya kuwa hortaagan dawladnimada qaranka soomaaliyeed.ciidanka xoogu marka uu helay hogaamiye daacad ah oo siinaya xuquuqdoodii iyo mushaharkoodiiba waxa uu wacad ku maray in ay soocelinayaan amaankii caasimada oo buuxa.

Cadawga dibada waxa nooga daran kan gudaha. shacabka magaalada mugdisho maha shacab xun soomaali waa isku mid meel walba ee waxaan u jeedaa waa helay dad wakiil u ah shisheeye oo ku naaxa dawlad la aanta sidoo kale way joogaan gobolada dalkana. laakiin ciidanka xooga soomaaliyeed ayaa inaga qaban kara cadawga gudaha.shacabku waa in dawladaan aan lookala harin taageeradeeda maxaa yeelay hogaan wadani ah ayaan helay soomaaliyeey.

Digniin.

Ciidanka amaanka waa in aysan raali ka noqon shirarka madaxdu leedahay inaan la duubin taleefanadana ay banaanka kaga qaadaan intaan shirkuba bilaaban.

Waxaa jira dad badan oo bixiya sirta qaranka kuwaas waa in ilgaar ah lagu hayaa,Waxaa jira in somaliya laga dhexsameystay boqolaal jaajuusiin ah oo sirka qaranka u gudbiya wadamada dariska ah.

Sharfta Dalka, Dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa in shirka London loo diro Wafdi heer Wasiir ah oo uu hogaaminayo sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iwm. Madaxda dawladdan waa inay si aad ah uga foojignaadaan waxa ay jideenayaan. Soomaaliya Hanoolaato.
Yuusuf Omar
Email. mashruuc5@hotmail.com