DAAWO:- Maamulka HirShabeelle oo dayactir Xoogan ku sameynayo Garoonka Weyn ee Jowhar

0

Wasiiirka Dhalinyarada & Isboortlga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) ayaa sheegay in la dayactirayo garoonka kubbada cagta Xaseey Kumaari ee magaalada Jowhar.

Garoonka Xaseey Kumaari oo ah garoon loogu magac daray mid ka mid ah halgamayaashii isboortiga ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa uu ka mid yahay garoomada lagu ciyaarayo tartanka Horyaalka ee degmada Jowhar ee haatan ka socda magaalada Jowhar.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dowlad goboleedka Hirshabeelle C/qani Jeenyo oo ka qeybgalay daawashada mid kamid ah ciyaaraha heerka koowaad ee ka socda garoonka Xasey Kumaari ayaa la hadlay saxaafada waxana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dayactiri doono garoonka isla markaana loo sameyn doono fadhi ay dadka u soo daawasho taga ku fariistaan.

Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegay in lagu dhigi doono roog garoonka kubadda cagta Shongale Staduim oo ah garoonka ugu weyn ee magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa haatan ka socda tartan horyaalka heerka koowaad taasoo ay ka qeybgalayaan 8 koox oo heerka koowaad ah. Hase yeeshee garoomadan oo ahaa garoomadii lagu qaban jirey qaar ka mid ah tartamada kubbada cagta ee kooxaha heerka koowaad ee dalka ayaan helin dayactir waxana ay u baahan yihiin in loo sameeyo fadhi isla markaana lagu fidiyo roog ama lagu abuuro cows.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga C/qani Jeenyo ayaa dhowaan sidoo kale waxa uu booqday garoomada ciyaaraha degmada Beledweyne isagoo halkaa kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhalinyarada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-