DAAWO SAWIRADA:- 4 nin oo Al-Shabaab ka tirsan oo lagu toogtay Baydhabo

0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka fagaare ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo waxa ay ku toogatay rag lagu eedeeyay iney masuul ka ahaayeen qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Raga Saaka la toogtay oo Afar ahaa ayaa sanadii hore waxa ay maxkamada Ciidamada qeybta 60-aad ku riday xukun dil toogasho ah iyadoo Saaka lagu fuliyay.

Ragga la toogtay ayaa lagu kala Magaabi jiray Xasan Aadan Mursal oo ku dhashay Bakool, C/ladiif Macalin Aadan C/raxmaan oo ku dhashay Baay, Siyaad Xassan Faarax oo ku dhashay Jubbada Dhexe iyo Sharmad Aawoow Maxamed oo isna ku dhashay Baay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare  Ciidamada qalabka sida, General Liibaan Cali Yaroow oo Baydhabo u tagay kiiskan ayaa goobjoog ka ahaa halkii ay ka dhaceysay toogashada.

Danbiilayaasha xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa horay maxkamada waxa ay uga qirteen eedaha loo jeediyay ee ah iney ka danbeeyeen qaraxyo mataano ahaa oo ka dhacay Magaalada Baydhabo gaar ahaan Maqaayada Badar iyo suuq ka agdhaw shirkada Dahab Shiil sanadii hore.

Qaraxyada lagu soo eedeeyay raga la toogtay oo dhacay 28kii bishii February ee sanadkii hore ayaa waxaa ku dhintay 80 qof oo u badnaa dhalinyaro maqaaxi iyo hoteel ku daawanayay ciyaar kubada cagta eheyd.