DAAWO SAWIRADA:- Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo degaan cusub ka qabsaday Al-Shabaab

0

ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta dib u qabsaday xerada Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada isbaheysanaya ay qaadeen weerar ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo Ciidamo ka tirsan ay ku sugnaayeen Xerada laanta Buuro iyo degaanada hoos yimaada.

Weerarka ayaa ka billowday meel u dhaxeysa Xaafadda Buulo Fooliyo ee Degmada Afgooye iyo degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xoogagi Al-shabaab ee degankaas ku sugnaa ayaa halkaas isaga caraabay markii ay ka war heleen duulaanka ku soo fool leh, iyagoo aady degaano kale, lamana sheegin wax iska horimaad ah oo halkaas ka dhacay.

Ciidamada dowlada ayaa isaga baxay laanta Buuro dhowaan markii ay khasaare xooggan kala kulmeen weeraro isdaba joog ah oo Al-shabaab ay soo qaaday.

Hoos ka Daawo Sawirada:-