DAAWO SAWIRADA:- Xil Wareejintii ugu degdegta badneyd oo ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir

0

Xilwareejintii ugu degdegta badneyd ayaa duhurnimadii maanta ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenada cusub iyo xoghayaha guud ee loo magacabay Gobolka Banaadir ayaa saacado kadib la wareegay xilalka, xaflad uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Laba haween ah ayaa ku soo biiray maamulka sare ee Gobolka Banaadir iyagoo kala qabanaya xilalka guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka.

Guddoomiye ku xigeenadda iyo xoghayaha cusub ee maamulka G/Banaadir waxay kala yihiin:

1- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Mudane Saalax Sheekh Maxamed

2- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Maamulka iyo Maaliyadda waxaa loo magacaabay Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir.

3- Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay Mudane C/llaahi Cimi Ereg.

4- Gudoomiye Ku xigeenka afraad ee Howlaha Guud waxaa loo magacaabay Aadan Sheekh Cali Fiidow

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Hoos ka Daawo Sawirada:-