DAAWO:- Sawiro laga soo qaaday Qaraxii uu ka badbaaday Xildhibaan Maxamuud iyo Maamulka egmada Hodan oo Faah Faahin ka bixiyay

0

Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa xalay ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisii lagula beegsaday wadada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahim, ayaa xaqiijiyay in qaraxa Xildhibaanka lagu weeraray uu ku aasnaa wadada Taleex, isagoo intaa ku daray in qaraxaasi la doonayay in lagu qaarajiyo Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan. Bilowgii hore waxaa soo baxay warar sheegaya in qaraxaasi uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay gaarigii uu watay Xildhibaan Maxamuud Abukaato.

Xildhibaan Maxamuud Abukaato, ayaa barta uu ku leeyahay Facebook waxaa uu ku sheegay in qaraxaasi uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaaladiisa.

“Al Xamdullilaah, Ilaahaygii iga badbaadiyay qaraxii fiidki igu qabsaday wadada Taleex ee Degmada Hodan. Waa badqabaa anigu, laakiin laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa ku dhaawacmay.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Wuxuu kaloo qoraalka ugu mahadceliyay dadkii soo booqday iyo kuwii kale ee xiriirka la soo sameeyay, wuxuuna yiri “Intii murugta ila soo wadaagtay, intii i soo booqatay, dadkii ila soo hadlay iyo dadkii kale ee barraha bulshada igala soo xiriirtay, waan u mahadcelinaya.”

Xildhibaan Abukaato, ayaa tilmaamay inaanu qaraxaasi ka horjoogsan doonin in uu Qaranka u shaqeeyo, isla-markaana uu dalka horey u dhaqaaqi doono.

“Kuma niyad jabaayo sharta cadowga. Qaranka waa loo shaqaynaya, dalkana horey ayuu u soconaya.” Ayuu yiri Xildhibaan Abukaaato.

Axmed Salaad Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada Hodan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan kuwii qaraxaasi soo maleygay.

Xildhibaan Abukaato, ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay oo isku day dil ka badbaada, tan iyo markii la soo doortay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-