DAAWO:- Soomaalida Islii oo Kacdoon sameeyay iyo Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hadlay Qayaanadii lagu sameeyay

0

Xaafada Islii ee magaaladda Nairobi waxaa ka dhacay isku soo bax xoogan oo ay dhigeen shacabka Soomaaliyeed.

Banaanbaxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday natiijadii kasoo baxday doorashadii isreeb reebka ee barlamaanka ee deegaanka Kaamakunji taas oo la filayay inuu ku guuleystay Yuusuf Xasan Cabdi laakiin la masuq maasuqay.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay inuu yahay shaqsiga kusoo baxay doorashadii ka dhacday deegaanka Kamakunji ee magaaladda Nairobi isla markaana uu xaq uleeyahay inuu helo warqadii uu isugu soo sharixi lahaa xisbiga Jubellee ee uu hogaamiyo madaxweynaha haatan talada dalkaas haya ee Uhuru Kenyatta.

Arinta layaabka leh ayaa aheyd in iyadoo Yuusuf Xasan la shaaciyay inuu doorashada ku guuleystay hadana la sameeyay masuq maasuq kadibna la sheegay inuu ku guuleystay Nin Kenyan ah.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=xoqslgw9rhU