DHAGEYSO:- Ahlusuna oo war-murtiyeed ka soo saartay wada hadalkii fashilmay

0

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa waxa uu war-murtiyeed ka kooban 6 Qodob ka soo saaray wada hadalkii fashilmay ee la filayay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, dhexmarina lahaa Ahlusuna iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Ahlusuna ay weli diyaar u tahay in la wada dhisto Dowlad Goboleed loo wada dhan yahay.

Sidoo kale waxaa qodobada war murtiyeedka ka mid ahaa in Ahlusunaa uusan quseyn wixii ka soo baxa shirka Doorashada la xiriira ee ka socda Magaalada Cadaado.

Waxaa kaloo war murtiyeedka lagu sheegay in Ahlusuna ay Beesha Caalamka ugu baaqeyso in ay ka caawiso Dagaalka ay kula jirto Argagixisada iyo wax ka qabashada Abaaraha.

Agaasimaha War-faafinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Muxudin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeedka ka soo baxay Ahlusuna.

Hoos ka Dhageyso Codka:-