DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Arrimo Xasaasi ah ka Shiraya

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Warbixin ka dhageysan doono Guddiga Difaaca iyo Guddiga amniga ee Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa waxa ay ku saabsan tahay kulan uu Shir Guddoominaayay Guddoomiye Jawaari oo ay la qaateen Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana kulankaasi Su’aalo lagu weydiiyay Ra’isal Wasaaraha.

Su’aalaha la weydiiyay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu la xiriiray Cabasho ay Xildhibaanada golaha Shacabka ka qabeen qaabka loo dhisayo Ciidamada Dowladda iyo shir Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ee loogu hadlay qorsha lagu dhisayo Ciidanka.

Guddiga Difaaca iyo Guddiga amniga ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada ay si faah faahin warbixin kaga siiyaan natiijadii ka soo baxday kulanka ay la qaateen Ra’isal Wasaaraha.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Warbixino ka dhageysan doono Guddiga Maaliyada iyo Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan korjoogteynta howlaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Dalka ka jira.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa in ay sii wadaan dooda la Xiriirta Mooshinka horyaalla ee ku saabsan qorshaha lagu dhisayo Ciidamo Qaran, waxaana mooshinkaasi soo diyaariyay Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-