DHAGEYSO:- Ciidamada NISA oo arin dhabar jab ku ah dowladda Farmaajo ka sameeyay Muqdisho iyo Hooyo sheegtay in..

0

Ciidamo katirsan nabad sugidda DFS ayaa xaafada Baar Ubax ee degmada Hodan ka geystay fal aad looga naxo.

Ciidamadan oo gaarayay ilaa 10 askari ayaa iyagoo aad u hubeysan waxaa ay u dhaceen mid ka mid ah guryaha ku yaal xaafada Baar Ubax iyagoo isugu sheegay iney yihiin nabad sugid wadda howlgalo dhanka amaana ah.

Laakiin halkii la filayay iney howshooda qabsadaan ayay ciidamadan waxaa ay bilaabeen iney baarasho iyo dhac ugeystaan dadka deganaa xaafada, waxaana ay ka qaateen guriga ku dhawaad 10 Mobile, dahab iyo hanta kale.

Hooyada gurigaas ayaa sheegtay in sidoo kale jirdil loo geystay wiilal xaafada ku sugnaa iyagoo aan waxba galabsan.

“Waxa ay inoo sheegeen iney katirsan yihiin nabad sugidda,wajiyada ayaana uduubnaa”ayay tiri Hooyada gurigaas oo la hadleysay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-