DHAGEYSO:- Dhalinyaradda Muqdisho oo ka niyad jabay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa

0

Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qurba joogta oo la wareegay xafiisyada hay’adihii dowladda.

Dhalinyartan la baxay Qorax joogta oo ay ula jeedaan iney soo arkin qabowga qurbaha ayaa ka cabanaya qurba joogta kuwaas oo boqolkiiba 97 loo magacaabay xafiisyada dowladda.

“kasoo bilow Barlamaanka, madaxweynaha, Wasiirada ilaa shaqaalaha kale ee dowladda dhamaan waa qurba joog”ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada qorax joogta ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha DFS ayaa horey ubalan qaaday inuu dhalinyarada siin doono shaqooyin si tahriibta looga ilaaliyo, laakiin halkii uu shaqada siin lahaa kuwa dalka aanan ka bixin, waxaa dhamaan xafiisyadii la wareegay qurba joog.

Arintan ayaa dadajin karta in dhalinyarada ay ku dhiiradaan iney qurbaha utahriibaan maadaama qofkii baasaboor shisheeye haystaa uu shaqo ka heli karo xafiisyadda dowladda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-