DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo

0

Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo in duqeymahooda ay la Bartilmaamsadaan goobaha ay degan yihiin Dadka Shacabka ah oo ay saameeyeen Abaaraha ku dhuftay Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay in duqeymaha Gobolka Gedo ay diyaaradaha Kenya ka geystaan ay saameyn xoogan ku yeesheen Shacabka deegaanno iyo Tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq ku nool.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Kenya inta badan  aysan weeraro ku qaadin Saldhigyada Al Shabaab ka degan yihiin Gobolka Gedo balse  halkaas ay Bartilmaamsadaan Shacabka taasina ka maamul ahaan ay u arkaan mid caqabad ku ah Bulshada Rayidka ah ee Gobolkaasi Gedo.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq oo sii watay hadalkaasi ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in fara gelin toos ah ay ku soo sameyso duqeymaha Diyaaradaha Kenya ay la Bartilmaamsanayaan Dadka Shacabka ah.

Waxaana uu ku eedeeyay in Cidamada Kenya aysan ka bixin gudaha Saldhigyadooda , islamarkaana howlgalladooda ay ku soo koobmeen Madaafiic ay la dhacaan dadka Shacabka ah.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa Duqeymo kala duwan horay waxa ay uga fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolkaasi Gedo kuwaas oo waxyeello ay kala kulmeen Dad Shacab ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-