DHAGEYSO:- Dowladda Itoobiya oo 18 Baabuur ku Wareejisay DFS iyo qorshaha ka dambeeya oo la ogaaday

0

Dowladda Itoobiya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku Wareejisay 18 baabuur oo raashiin ah.

Raashiinkaan ayaa waxaa loogu tala galay in loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan gobolada Dalka iyo duleedka Muqdisho.

Wasaarada Gargaarka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Dowladda Itoobiya kala wareegtay raashiinkaan gargaar ee gaaraya 18 baabuur.

Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato howlaha gargaar ee ka soconayo Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka Safiirka Itoobiya:-

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gargaarka Soomaaliya:-