DHAGEYSO:- Farmaajo oo si deg deg ah Dalka ugu laabtay, Soona gabagabeeyay Safarkii Turkiga

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shalay gelinkii dambe Dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar Shaqo oo uu ugu maqnaa Dalka Turkiga.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale waxaa Garoonka diyaaraha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Xildhibaanada ka tirsan labada golle ee Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo Marti Sharaf kale.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kulan kula soo qaatay Madaxweynaha Dalka Turiga, waxaana halkaasi ay ku soo kala Saxiixdeen Heshiis labada dowladdooda ay ku Xoojinaayeen Xiriirkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-