DHAGEYSO:- Fasaxii Xildhibaanada Baarlamaanka oo dib loo dhigay iyo Mooshin horyaalla

0

Iyadoo shalay qorshaha uu ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay galaan fasax, islamarkaana la soo xiro Kalfadhiga 1-aad ee Xildhibaanada, ayaa waxaa arintaasi ku yimid dib u dhac.

Arinta keentay dib u dhaca fasaxa Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa waxa ay tahay Mooshino kala duwan oo shalay xubnaha Baarlamaanka Somaliya loo qaybiyay kaasi oo ay soo diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Mooshin ay soo diyaariyeen Guddiga difaaca Baarlamaanka Somaliya ayaa shalay waxaa loo qaybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo la doonaayo in Xildhibaanada ay soo akhristaan, kadibna ay ka doodaan.

Shir Guddoonka Baarlamaanka shalay waxaa ahaa C/wali Sheekh Axmed Muudeey, wuxuuna sheegay illaa go’aan cad ay ka gaarayaan Xildhibaanada Mooshinka ku aadan qaab dhismeedka ciidanka Somaliya in Xildhibaanada aysan fasax geli doonin.

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya ayaa ka digaya qorshe ay sheegeen in loo diyaariyay ciidamada Somaliya oo la doonaayo in laga dhigo 18,000 kun oo Askari, islamarkaana loo kala qaybinaayo Maamul Goboledyada iyo dowladda dhexe.

Todobaadka soo socda gudihiisa ayaa suuragal ah in Kalfadhiga Baarlamaanka la soo xiro, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka uu sheegay hadii Xildhibaanada aysan go’aan ka gaarin Mooshinkaasi shirka Baarlamaanka inuu sii furnaan doono.

Mooshinka kale ee shalay Baarlamaanka loo gudbiyay ayaa ku aadan dib u eegis lagu sameeyo Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka oo haween dhan aysan ku jirin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-