DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay

0

Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe aaya waxaa ku dhintay Gabar 12 Jir ah oo la sheegay in iyadoo La jirto Ari ay Biriq halkaas kula dhacday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Roobab xoogan ay ka da’een Gobolka Shabeelaha Dhexe islamarkaana gabadhaasi 12 Ahayd ay ku Geeriyootay kadib markii Biriq ay dishay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan dad kale oo ku geeriyooday Roobabkii ka da’ay Gobolka Shabeelaha Dhexe  kuwaas oo aan weli si rasmi ah Warbixinno aan looga helin balse Taliska Booliska ay  u kuur galayaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Roobab Dadka iyo Duunyada ay ku diirsadeen waxa ay ka da’een qeybo badan oo dalka tirsan oo Gobolka Shabeelaha Dhexe uu qeyb ka yahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-