DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in uu keenay qorshe Cusub oo amniga Muqdisho wax loogu qabanayo

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Hay’addaha amaanka ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Ku Xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay dardar gelinta howlaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo sidii lo wajihi lahaa isbadalka hogaamineed ee ka dhacay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa loogu hadlay wax ka qabashada amaanka Gobolka Banaadir oo maalmihii dambe faraha ka baxay isla markaana ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Kulanka ka dib Warbaahinta u sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu wado qorshe Cusub oo wax loogu qabanayo amaanka guud ee Gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-