DHAGEYSO:- Guutada Lixdanaad oo ka hadashay Shilkii uu ku dhintay Tahliil iyo Sarkaal Caan ah oo ku lug yeeshay

0

Taliyaha howlgalinta Guutada Lixdanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay shil uu dhawaan ku dhintay nin lagu magacaabi jiray Tahliil oo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

Gaanshaale Dhexe Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono ninkii ka dambeeyay Shilkii uu ku dhintay Tahliil.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sargaalkii geystay Falkaasi oo lagu magacaabo Cabdishakuur in ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in gabadh Shacab ah oo ay jiireen gawaari  dowladda Soomaaliya ay leedahay in ay gacanta ku hayaan xaaladeeda Caafimaad.

Dhanka kale labo xidigle Cabdiqani Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay in falka lagu dilay tahliil iyo sidoo kale faaduma ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Guutada Lixdanaad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-