DHAGEYSO:- Jawaahir Baarqab oo Fariin adag u dirtay Madaxda Sare ee Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa Shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqday in ay gurmad u sameeyaan dadka ay abaaru saameysay ee Gobolka Banaadir ku soo barakacay.

Waxa ay sheegtay in dadkaasi ay roobabkii ka da’ay Muqdisho saameyn ku yeesheen isla markaana guryihii ay deganaayeen ay roobabka ka dumiyeen.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadkaasi ay hada u baahan yihiin gurmad xoogan oo dhanka nolosha ah maadaama aysan heysan guri roobabka da’aya ay kaga gambadaan.

Waxa ay shacabka ugu baaqday in ay guryaha ka soo baxaan oo dhibka ay la qeybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee banaanka fadhiya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-