DHAGEYSO:- Mid Kamid Ah Gaadiidka Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo laba ruux ku jiiray Muqdisho oo mid Fanaan caana ahaa.

0

Gaadiidka Ilaalada u ah madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyadda horteeda ku dilay Fanaan kamid ahaa wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya halka haweeney kalana ay dhaawacantay.

Xili uu madaxweyne Farmaajo kasoo laabanayay safarkii magaaladda Baydhabo ayaa isagoo maraya banaanka madaxtooyada waxaa gaadiidkiisii ay dileen fanaanka Tahlil Jimale Hubbane hala ay gabar kale oo la socotayna ay dhaawaceen.

“Gaarigii madaxweynaha ilaalinayay ayaa jiiray” sidaas waxaa xaqiijiyay Fanaan Nuuradiin Axmed Caalin oo ay saaxiibo ahaayeen.

Fanaanka dhintay ayaa kamid ahaa kooxdii Iftin ee Fanka Soomaaliyeed, kahor inta uusan dhimana waxaa loo qaaday isbitaalka laakiin waxaa uu ugeeriyooday dhaawaca.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay askarigii waday gaariga Cabdi-bilaha ah ee dilay fanaankaas.

Gaadiidka madaxda dowladda ay wataan ayaa waxaa ay dhibaato xoogan kasoo gaartaa shacabka, maadaama ay si xowli ah uwadaan iyagoo aanan unixin shacaba.

Madaxtooyadda Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin dhacdadan lagu dilay fanaanka dhintay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-