DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Boondheere oo soo saaray go’aano Culus

0

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Qaasim Dheere ayaa sheegay in guryo badan ay ku burbureen roobabkii Xooganaa ee ka da’ay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in in ka badan 10 guri ay baaba’een isla markaana dadkii daganaa ay hada heysan wax guri ah oo ay ku hoydaan ama seexdaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Shacabka Gobolka Banaadir loogu baahan yahay in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahooda dhibaateysan ee roobabka ay saameynta ku yeesheen.

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Qaasim Dheere ayaa xusay in uu ka shaqeyn doono Maamulkiisa sidii dadka guryaha ka dumiyeen loo caawin lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-