DHAGEYSO:- Maamulka Hirshabeelle oo Fariin adag u dirtay Hay’addaha ka Howlgala degaanadeeda

0

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle Axmed C/kariin Maxamed ayaa Hay’adaha ka howlgala Degaanada Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay in ay Isbitaaladooda furaan, ayna u shaqeeyaan shacabka.

Waxa uu sheegay hadii ay sameyn waayaan intaasi, in ay si deg deg ah uga bixi doonaan Degaanada Hirshabeelle, ayna mar hore ku war geliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in wax loo qabto shacabka ku dhaqan Degaanada Hirshabeelle oo ay soo riteen Cudurada ay keentay Abaarta,

Dhanka kale Axmed C/kariin Maxamed Wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay cudurada shuban biyoodka iyo Daacuunka in ay u dhinteen ilaa 6 Qof, dadkana ay jiifaan geedaha hoostooda.

Waxa uu sheegay Maamulka Hirshabeelle in uu wado dadaalo wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan, si loo badbaadiyo.

Abaaraha ka jira dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo xoogan oo wata cuduro daran, kuwaasi oo inta badan ku dhacay Haweenka, caruurta iyo dadka jilicsan, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay wadaan dadaalo dadkaasi lagu badbaadinayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-