DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..

0

Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan gaar ah la qaatay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ka soo jeeda Galmudug.

Siyaasiyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladii Sheekh Shariif C/qaadir Cali Cumar iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Mr Caalim.

Musharax Axmed Shariif ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono hormarinta degaanada Galmudug isla markaana uu xooga saari doono sidii Shacabka Galmudug ay u heli lahaayeen Cadaalad.

Musharax Axmed Shariif ayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha uu la kulmay u sharaxay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu ku hogaamin lahaa Shacabka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-