DHAGEYSO:- Ogow Dowladdaha Saameynta Ku Leh Shirka Soomalida ee Magaalada London

0

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Cali Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka Wada ayaa Qimaano Qaran ku tilmaamay Shirka London waxa uuna Xusay in dabagal dheer oo ay sameeyeen Arimaha Shirkaas ay ogaadeen inay wataan Shaqsiyaad gaar ah iyo Dowlada Itoobiya, Kenya iyo Tansaaniya oo qabtay Shirar u gaar ah oo ay Hor Boodayeen madaxa Dowlada Itoobiya iyo Kenya oo lagu Tiriyo inay ka soo horjeedaan Awood Ciidamada oo Soomaaliya ay heelato.

Xildhibaan Fiqi ayaa Xusay in Shirkaan uu yahay mid Qiyaano Qaran Xambaarsan oo la Doonayo in Dowlada Shisheeye Dalka u Afganbiyaan Xiligaan kuwaas oo Shirkaan ka Doodaya Danahooda gaar ka ah Qabshada Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Fiqi ayaa ku Baaqay in Arintaan aan la Fududaysan oo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay gutaan Waajibaad ka Saaran ee ah Difaacada Sharafta iyo Madax Banaanida Jamhuuriyada Soomaaliya islamarkaana ay Su’aalo weydiiyaan Hoogaanka Qaranka iyo Dhinacaya Dicaafada qaabilsan si looga hortago Arimaha Xad-gudubka ku ah Madax Banaanida Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-