DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota

0

Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Cadaado ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee Doorashadaasi.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Magaalada Cadaado laga dareemayo Ololaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in Maalinta berri ah oo 30-ka Bishaan ay ku beegan tahay Magaalada Cadaado ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxaana uu intaas ku daray in ay kala Madax banaan yihiin Wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna iyo Doorashada Madaxweynaha ee Maamulkaas.

Sidoo kale Xildhibaan  Cabdiqani Aadan Garaar ayaa carabka ku dhuftay in ay tix galiyeen codsigii dowladda uga yimid ee ahaa in dib loo dhigo Doorashada Galmudug islamarkaana ay dhacdo doorashadaan 30-ka Bishaan April 2017.

Hoos ka Dhageyso Codka:-