DHAGEYSO:- Qodobada ay ku heshiiyeen Ra’isal Wasaaraha iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo la soo Bandigay

0

Guddiyada Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada Maanta waxa ay Warbixin ka siiyeen Kulab gaar ah oo ay la qaateen Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa waxa ay la xiriirtay Cabasho ay Xildhibaanada ka keeneen habraaca loo marayo dhismaha Ciidamada iyo Walaac ay Xildhibaanada ka muujiyeen qodobada loogu hadlayo Shirka Dalka Ingiriiska ka furmayo.

Go’aanada ka soo baxay kulankaasi ee Warbixinta ku Xusnaa waxaa ka mid ahaa in go’aanada iyo Heshiisyada ay wada galaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada mar walbo la horkeeno Xildhibaanada.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa qodobada warbixinta ku qornaa in muddo 3 Maalin ah lagu dhiso hab Maamul Maaliyadeed oo hufan  oo Saldhig u noqdo Maamulka iyo Maareynta Ciidamada.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay qodobada labada Guddi iyo Ra’isal Wasaaraha ay ku heshiisyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-