DHAGEYSO:- Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo Saameyn badan ku yeeshay dadka danyarta ah

0

Iyadoo Saacadihii la soo dhaafay Roobab lagu diirsaday ay ka curteen Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxa uu roobabkaasi saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah ee nool Muqdisho.

Dadka danyarta ah ayaa waxaa saameeyay roobabka waxaana ka dumay oo waxyeelo ay ka soo gaartay guryihii ay daganaayeen maadaama ay ahaayeen guryo ka sameysan Cooshado iyo baco.

Qaar ka mid ah dadka Baracayaasha oo aan ku booqanay gobaha ay dagan yihiin ayaa waxa ay Mamulka Gobolka Banaadir ugu baaqeen in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Sidoo kale wxa ay Madaxda Dowladda ugu baaqeen in ay ka warqabaan Xaaladaha adag oo ay hada ku sugan yihiin sidoo kale ay la soo gaaraan gurmad Xoogan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-