DHAGEYSO:- Wasaarada Gaadiidka iyo Cirka ee Dowladda oo go’aano Cusub soo saartay

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in ay la xisaabtamayaan Diyaaradaha doonaya in ay hareer maraan nidaamka canshuurta dalka iyo hanaanka Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) ayaa saxaafadda u sheegay in si adag ay ula xisaabtameen Diyaaradaha qaarkood, halka kuwa kelana hada ay si adag ula xisaabatamayaan.

C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Diyaarado doonaya  in ay hareer maraan nidaamka canshuurta dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacanta ku heysa nidaamka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Diyaaradaha ka soo dega Garoonka Aadan Cadde waxa ay maraan nidaam sharci ah oo Xukuumadda ay u dejisay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-