DHAGEYSO:- Wasiiro Galmudug xilal ka soo qabtay oo sheegay in hubkii Madaxweyne Farmaajo Puntland uu siiyay la geeyay Gaalkacyo.

0

Dhawaan Dowlada Soomaliya Waxa ay Saanad Malatri  oo u Badan ay ku Wareejisay Maamul Gobaleedka Puntland waxana  arintaasi markii ay dhacday Walaac wayn ka muujiyay Siyasiyiin ,Odayaal iyo Waxgarad ka Soo Jeeda Dhanka Galmudug kuwaasi oo shegay in Madaxweyne Farmaajo meesha uu ka Xalin laha Dhamays tirka Heshiiskii Hordhac aha ee La Gaaray Dagaalkii ugu Danbeyay ee Gaalkacyo ku dhax Maray Galmudug iyo puntland  uu Hub isugu Dhiibay Dadkii Taasi oo keentay in Hubkii farmaajo uu Bixiyay La geyay intiisa Badan Gaalkcyo

Wasiir Ahmed Shire oo Wasiir ka Soo Noqday Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Waraysi Siiyay Hobyomedia.com  aya Sheegay in dowlada Soomaliya ay Shacabka gobalka mudug isugu Dhiibtay Hub taasi oo ah in Mar kale Dadka ay Hubka isku gurtaan Waxana uu shegay in dowlada cusub laga Sugayay dhamaystirka Heshiiskii Gaas iyo Gulled ay Gaaren kadib Dagaalkii ugu Danbeyay ee Gaalkacyo balse hada muuqato Rajo xumo madama Hub qaybin uu bilaabo farmaajo , isagoona geesta kale shegay in qaybtii galmudug hubka ilaa iyo hada aan farmaajo laga haynin .

Hoos ka Dhageyso Codka:-